Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Xalay Ee Champions Leageu

0
330

Baydhabo(Radio Arlaadi)-kooxda Man City ayaa garaacday kooxda Real Madrid kulan ka dhacay Etihad Staduim kana tirsanaa lugtii 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Goolal ay dhaliyeen Raheem Sterling Iyo Gabriel Jesus ayaa City ka caawiyay in ay gaadho guul ay u qalmeen iyaga oo kooxdooda ka caawiyay in ay gaadho wareega 8 dhamaadka.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa ka hadhay tartanka kadib markii ay Lyon xeer ku reebtay kadib gool ay garoonkeeda ku dhalisay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka.

1.Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii 3-aad ee Real Madrid ka reeba champions League wareega bug baxa in ka badan hal mar.

2.Lyon ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee juventus ka reebta tartamada European Cup/UEFA Cup/Cup Winners.

3.Kevin De Bruyne ayaa sameeyay 9 fursadood oo gool laga dhalin karo kulankii Real Madrid waana xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay tan ilaa 2003 markaas oo sidaas sameeyay Andrey Arshavin.

4.Real Madrid ayaa laga badiyay labad lugood ee champions League wareega Bug baxa markii ugu horaysay tan ilaa 2008/2009 markaas oo ay sidoo kale guuldaro kala kulantay Liverpool labada kulana.

5.Raphael Varane ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee sameeyay 2 khalad oo gool laga dhaliyay champions league kulan kaliya ugu yaraan tan ilaa 2007/2008.

6.Gabriel Jesus ayaa noqday xiddigii 2-aad ee gool ka dhaliya Real Madrid labada lugood ee champions League una ciyaara koox premier League ah tan ilaa Ruud van Nistelrooy kaas oo sidaas sameeyay isaga oo u ciyaarayay Man United 2002/2004.

7.Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 20 gool 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee garoonkiisa wareega bug baxa champions League guud ahaan waxa uu dhaliyay 67 gool wareegyada bug baxa waxa uu ka badan yahay 21 gool xiddig kasta.

8.Memphis Depay ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee rikoodhe loo dhogo champions League kadib isagu rikoodhe galay tan ilaa 2003/2004.

9.Man City ayaa dhaliysay 150 gool sidoo kale laga dhaliyay 100 gool kulankeedii 76-aad ee champions League waana kooxda reer England ee ugu deg-dega badan ee rikoodhkaas gaadha.

10.Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii 3-aad ee champions League gool ka dhaliya koox kaliya isaga oo u ciyaaraya 3 kooxood oo kala duwan.

11.Memphis Depay ayaa noqday xiddigii 2-aad ee reer Holland ee gool dhaliya 6 kulan oo xidhiidh ah champions League kadib Ruud van Nistelrooy.

12.Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolkiisii 100-aad ee tartamada oo dhan intii uu Man City joogay waana xiddigii ugu horeeyay ee rikoodhkaas u gaadha City tan ila Dennis Tueart kaas oo sidaas sameeyay 1981.

13.Raheem Sterling ayaa noqday xiddigii 6-aad ee reer England ah ee dhaliya 20 gool champions League iyada oo Weyne rooney yahay xiddiga kaliya ee ka yar ee dhaliyay rikoodhkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here