Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Korona ee Afrika oo kor u dhaaftay hal malyan.

0
293

Baydhabo(Radio Arlaadi)-In ka badan malyan kiis oo feyraska Korona ah ayaa laga diiwaangeliyay qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Johns Hopkins.

Kala bar kiisaskan waxaa laga diiwaan geliyay Koonfur Afrika.

Inta badan dalalka waxaa aad u yar howlaha baaritaanka cudurka, waxay taasi ka dhigan tahay in kiisaska ay ka badan karaan kuwa ay dowladuhu diiwaan geliyeen.

Agaasimaha xarunta ka hortagga cudurrada ee qaaradda John Nkengasong wuxuu BBC u sheegay in boqolkiiba 70 dadka u ku dhacay cudurka Afrika ay ka bogsadeen.

Afrika, waxaa cudurka u dhintay 21,000 qof halka 670,000 ay ka kaceen.

In ka badan 18.6 malyan qof ayuu guud ahaan caalamka ku dhacay Covid-19 halka 702,000​ qofna ay u geeriyoodeen, sida laga soo xigtay Ha’yadda Caafimaadka ee Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here