Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Miisa U Saartay Willian Si Ay Saxiixiisa Ugu Garaacdo Arsenal.

0
260

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian kaas oo s xor ah uga tagi doona Blues.

Gunners ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis 3 sano ah u soo bandhigtay xiddiga reer Brazil kaas oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.

Laakiin wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool sidoo kale si lama filaan ah heshiis 3 milyan ah ugu soo bandhigtay saxiixa xiddiga 32 jirka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxaha Arsenal iyo Liverpool haatan isku dalab u soo bandhigeen xiddiga haatana ku xidhantahay labada tababare in ay xiddiga ku qanciyaan in uu kooxdooda ku biiro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga 32 jirka ah dooran doono ku biirista kooxda Liverpool sabab la xidhiidha in ay ka ciyaarayaan champions League.

Jurgen Klopp oo loo sheegay in aanu haysan doonin lacag uu ku xoojiyo kooxdiisa xagaagan ayaa u baahan kubad sameeye uu ku xoojiyo kooxdiisa ku guulaystay horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here