Dowladda Ghana oo qorsheyneysa inay bilaash ka dhigto waxbarashada jaamacadaha.

0
243

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Madaxweynaha dalka Ghana, Nana Akufo-Addo ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’antahay sidii ay dalka uga hirgelin lahayd waxbarasho heerka sare ah oo lacag la’aan ah.

Madaxweyne Nana ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay horay uga miro dhalisay in waxbarashada dugsiyada Hoose Dhexe iyo Saree e Ghana in ay noqdaan kuwo si bilaash ah ay ku dhigtaan ardayda dalkaas.

Waxbarashada heerka sare ayuu sheegay in uu haatan wado olole lacagaha lagaga dhaafayo ardayda dhigata heerarkas.

Maalgashiga ugu weyn ee ay xukuumaddiisu samaynayso ayuu sheegay in ay galinayso dadka xilliga waxbarashada ku jira iyo kuwa jacaylka u qaba in ay waxbartaan isaga oo intaa ku daray in uu dhibaato weyn u arko in arday uu waxbarashadiisa uga haro kharash la’aan awgeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here