Ururka Dhalinyarada Gobalka Baay Oo Bogaadiyay dhalinyarada Gobalka sida ay uga qeyb qaadaneyaan Hormarada.

0
275

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Sanadahaan gobolada koonfur galbeed gaar ahaan magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa ku soo badanayaan ururu ka shaqeynayaan hormarinta dhalinyarada iyo arimaha degaanka taasi oo soorta galisey in laga dareemo bilicda magaalada baydhabo iyo wax ka qabashada arimaha bulshada.

Madaxa sare ee maamulka dhalinyarada gobolka baay Aadan Macalin Cabdiraxmaan shaati ayaa wuxuu sheegey in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan ururkasta oo u taagan hormarinta iyo wax ka qabashada arimaha bulshada, wuxuuna taasi ku tilmaamey in ay tahay hormar lagaarey in lahelo dhalinyaro fahansan hormarinta degaanadooda iyo arimaha bulshada.

Warkan waxaa inoo haya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here