Man United oo heshiis cusub ka saxiixatay mid ka mid ah xiddigaheeda

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay qandaraaska u kodhisay mid ka mid ah xiddigaheeda.

Manchester United ayaa shaacisay inay u cusbooneysiisay qandaraaska daafaceeda da’ada yar ee reer England Brandon Williams, wuxuuna sii joogi doonaa garoonka Old Trafford ilaa iyo 2024, iyadoo heshiiska uu qeyb ka yahay in sanad kale uu ku darsan karo, wuxuuna qaadan doonaa mushahar fiican.

Brandon Williams ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu bandhiga fiicnaa xilli ciyaareedkan wiilasha Ole Gunnar Solskjær ee kooxda Manchester United, wuxuuna ciyaaray 33 kulan tartamada oo dhan ah.

Haddaba Brandon Williams ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka kooxda Manchester United kaddib heshiis kordhintiisa, wuxuu kaga hadlay dareenkiisa, wuxuuna yiri:

“Cusbooneysiinta qandaraaskeyga kooxda waxay ii tahay sharaf weyn oo aan la sharixi karin aniga iyo qoyskeyga, sababtoo ah waxaan halkan joogay tan iyo markii aan ahaa toddoba sano jir”.

“Waxbadan ayaan ka bartay macalinkeyga iyo asxaabtayda, xaqiiqdii waxaan hiigsanayaa inaan soo bandhigo qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedka soo socda”.

“Waxaan ku kalsoonahay asxaabteyda iyo awooddeyda, waxaan gaarnay qeyb ka mid ah ujeedkeena, kaasoo ah inaan u soo baxnay Champions League, waa inaan diirada saarno kulamada ka haray xilli ciyaareedkan oo aan gaarno guulo badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here