Kolo Toure Oo Kashifay Halka Uu Virgil van Dijk Diciifka Ka Yahay.

0
260

Daafacii hore ee kooxda Liverpool Kolo Toure ayaa sheegay in uu daafaca Liverpool ee Haatan Virgil Van Dijk diciif ku yahay dhanka 1 Vs 1 Waliba hadii uu xiddig kaligiis ku soo boxo soo bandhigayo diciifnimadiisa.

Van Dijk ayaa dhamaystay xilli ciyaareedkiisii 2-aad oo guul ah intii uu Liverpool joogay isaga oo door muhiim ah ka qaatay ku guulaysiga Liverpool ee horyaalka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah.

Daafaca reer Holland ayaa lagu qiimeeyaa daafaca ugu fiican kubada cagta laakiin Toure oo haatan caawiye ka ah kooxda Leicester City ayaa sheegay in diciifnimada Van Dijk tahay in uu weeraryahan kaligiis kubad ku Helo.

“Waa xiddig aan la rumaysan karin”ayuu Ture u sheegay States Perford News.

“Waa xiddig heer sare ah, waxa uu leeyahay orod, dherer, wuu boodi karaa, waxa uu leeyahay farsamo waxa uu ciyaarta ku badali karaa baaskiisa dheer”.

“Wali ma arkin xiddig kubada ku helay kaligiis fikir ahaantayda dhankaas ayuu diciif ku yahay, run ahaantii waa xiddig dheer sidaas darteed hadii uu weeraryahan kaligiis kubad kula soo boxo wuu ku dhibaatoon doonaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here