Dalka Mauritius oo Shaaciyay In uu Ka Bogsaday Xanuunka COVID19

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Mauritius ayaa si rasmi ah u shaaciyay in gabi ahaanba dalkaasi aanu haatan ka jirin xanuunka COVID19.

Mauritius ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ku dhawaaqa ka bogsashada xanuunka Karoona.

War qoraal oo kasoo baxaya wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa lagu sheegay in Mauritius oo ah dal jasiirado ka kooban uu haatan ka madaxbannaanyahay xanuunkaas dadkii uu haleelayna ay ka bogsadeen.

Mauritius ayaa horay u diiwaan gelisay ilaa 334 kiis oo xanuunka Karoona ah halka ay 10 qofina u geeriyoodeen.

Walow dalkaasi Afrikaanka ahi uu ka bogsaday xanuunka haddana waxaa jira dalal kale oo ku yaalla qaaradda oo uu faro ba’an ku hayo xanuunka sida Koofur Afrika oo haatan safka hore kaga jirta dalalka dunida ee uu halakeeyay xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here