Duulimaadyada Caalamiga ah ee Somaaliya oo Maanta Dib u Billaabanaya

0
304

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in muddo afar bilood ah kaddib ay dib u furmaan duullimaadyaadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya oo ku xirmay saamayntii uu dunida ku yeeshay xanuunka COVI9.
Todobaadkii tagay ayay ahayd markii ay xukuumadda Soomaaliya ku dhawaaqday in duulimaadyada caalamiga ah ay dib u billaaabanayaan 3-da bishan August.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan oo goor dhow la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maanta dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii loo wajihi lahaa xaaladaha cudurka safmarka ah ee Karoona Feyruska.

“Waxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay inay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19 ayuu yiri Maareeyaha.

Bishii Abriil ayay ahayd markii Soomaaliya ay ku biirtay dalalka duullimaadyada hakiyay si loo xakameeyo xanuunka COVID19 oo dalka soo gaaray.

Soomaaliya ayaa haatan wadda tallaabooyin ay ku khafiifinayso xayiraadihii uu sababay xanuunka COVID19 iyada oo dhawaan dib loo furay duullimaadyada gudaha dalka.

Sidoo kale waxaa dib u billowday howlihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Iyana dib u billowday adeegga bixinta baasaboorka Soomaaliga.

Sanad dugsiyeedka waxbarashada dalka ayaa isna dib u billabanaya 15-ka bishan halka jaamacaduhuna ay furmayaan bisha September ee soo socota.

Soomaaliya, waxay diiwaangelisay in ka badan 3,000 kiis oo COVID-19 ah, 1,562 soo kabasho ah, iyo 93 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here