Arsenal oo ku soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa mid ka mid ah xiddigaha kooxda Barcelona

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay qeyb ka soo noqotay loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga qadka dhexe reer Croatia ee Ivan Rakitić.

Ivan Rakitić ayaa la filayaa inuu ka tagi doono kooxda Barcelona inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga, kaddib markii uu u ciyaaray Barca muddo lix sano ah.

Wargeyska ““Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka reer Spain iyo kooxda Arsenal ee Mikel Arteta uu la xiriiray Ivan Rakitić, si uu uga dhaadhiciyo imaatinka Gunners.

Wargeyskan ka soo baxa gudaha dalka England oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in Arteta uu u sharaxay qadka dhexe ee kooxda Barcelona qaabka uu u adeegsan doono marka uu yimaado naadiga Arsenal, marka loo fiiriyo baahida uu macalinka u qabo inuu xoojiyo qadka dhexe ee Gunners.

Balse wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Ivan Rakitić uusan xiiseyneynin inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League, laakin wuxuu door bidayaa inuu sii joogo Spain ama uu u dhaqaaqo Talyaaniga.

Waxaa xusid mudan, in 32 jirkan reer Croatia uu ka qeybqaatay 41 kulan uu la ciyaaray kooxda Barcelona tartamada oo dhan, 1 gool ayuu dhaliyay 4 kalena wuu caawiyay, xilli heshiiska uu ku joogo Barca uu dhacayo June 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here