Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

0
318

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga da’yarka ah ee Mateusz Musialowski kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool.

Reds ayaa xiddiga da’yarka ah kala soo saxiixatay kooxda reer Poland ee SMS Lodz.

Xiddiga 16 jirka ah ayaa kooxda Liverpool bilo ka hor saxiixay heshiiska uu ugu biirayo Liverpool laakiin waxa uu xiddig Liverpool ah noqday markii uu suuqu furmay.

Xiddiga oo ka ciyaara weerarka ayaa ku biiri doona Akademiyada kooxda Liverpool ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiiskiisa kooxda 1-aad marka uu gaadho 17 sano.

Kooxda Liverpool ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday kooxo badan oo reer yurub ah kana mid yihiin kooxo waaweyn oo premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here