Tirada dhimashada Baraasiil ee COVID-19 oo sii kordheysa

0
445

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dalka Baraasiil ayaa si maalinle ah u diiwaangelinaya tiro badan oo isugu jirta kiisas cusub iyo dhimasho iyadoo dalkaasi laga soo werinayo in tirada dhimashada ay ka sara martay 90,000 oo ruux.
Inkastoo dowladdu tiradaas xowliga ah ay diinwaangelineyso haddana waxa ay dib u furtay safarradii dalxiiska ee lagu iman jiray dalkeeda kaddib 4 bilood oo ay xannibaad saarneyd duullimaadka, si ay u soo nooleyso Waaxdeeda dalxiiska oo ku burburtay inta ay jirtay xannibaadda COVID-19.

Baraasiil ayaa mar kale dib u xireysa Safarrada dalxiiska maadaama ay sii kordhayaan kiisaska cusub iyo dhimashada.

Dowladda Baraasiil ayaa ka sare martay dhammaan dalalkii uu sida ba’an u saameeyay marka laga reebo Mareykanka, 24kii saac ee aan soo dhaafnay waxaa la diiwangeliyay 69,074 oo xaalado cusub ah iyo dhimashada 1595 sida laga soo xigray Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Wasaarradda ayaa sheegtay in tiradan cusub ay ka dhigan tahay in wadarta guud ee dalka ay tahay Dhimashada 90,134 iyo kiisaska guud oo gaaray 2.5 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here