Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Seegi Doona Bilowga Xilli Ciyaareedka Dambe.

0
367

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in Shkodran Mustafi uu seegi doono bilowga xilli ciyaareedka soo socda kadib markii qalliin looga sameeyay Muruqa.

Daafaca 28 jirka ah ayaa dhaawacmay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee Kulankii Semi-final-ka FA Cup-ka ee ay Arsenal reebtay kooxda Man City.

Waxana haatan lagu sameeyay qaliin waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa ilaa bisha October.

Kooxda Arsenal ayaa warbixin ku soo qortay boggeeda Internet-ka kuna tidhi”Shkodran waxan uu maray qaliin lagu guulaystay oo uu ka maray muruqa lugta Midig waxana uu garoomada ku soo laaban doonaa bisha October”.

Mustafi ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu Mikel Arteta tababarhaa u noqday bishii December waxana uu dhaawaciisu ku noqon doonaa kooxda dhibaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here