Bisad laga helay Fayraska Korona.

0
290

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Bisad ku nool dalka Ingiriiska ayaa laga helay xanuunka dunida aafeeyay ee korona.

Bisadda oo kamid ah xayawaanka guri-jooga ah ee dadku ay dhaqdaan ayaa khubarada caafimaadka waxay sheegeen inay tahay kiiskii ugu horeeyay ee laga helay xayawaan la xanaaneysto ee dalka UK, waxaana ay intaa ku dareen in taas aysan ka dhignayn in xayawaankaasi uu faafiyo fayraska.

Waxaa la rumeysan yahay in bisaddan ay xanuunka ka qaaday qof xanaaneysanayay, oo markiisii hore laga helay fayraska. Bisadda ama mukulaasha ayaa haatan lagu soo warramayaa in xaaladeeda ay wanaagsan tahay.

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Britain ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid aan hore loo arag, balse aanay wax walwal ah lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here