Dufaan ku dhufatay gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

0
328

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Texas ayaa sheegay in duufaan xoogan ay ku dhufatay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Gobolkan ku yaalla koonfurta dalka Mareykanka ayaa duufaanta ku dhufatay waxay khasaaro u geystay guryaha taasoo saqafyada ka qaaday.

Duufaanta ayaa lagu magacaaba Hena, ayaa la sheegay inay wato roobab.

Maamulka gobolka Texas ayaa sheegay in cudurka karoona feyris uu sii adkeeyay in gurmad loo sameeyo dadka maadaam lagu baaqay in la kala fogaado.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sheegay in si dhow ula socon doonaan sameynta duufaantan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here