Pep Guardiola Oo Sheegay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
249

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa saadaaliyay xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha u tartami doona baalmarinta ayaa la soo saari doonaa maanta oo jimce ah iyada oo ay jiraan xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay in uu xiddig Liverpool u ciyaara ku guulaysan doono abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xiddiga ku guulaysta Abaalmarinta xiddiga ugu fiican Premeir League sanadkan waxa uu noqon doonaa xiddig Liverpool ah”.

“Markii aan xilli ciyaareedkii hore ku guulaystanay horyaalka waxa abaalmarinta ku guulaystay xiddig Liverpool ah”.

“Sidaas darteed waxa aan hubaa in uu xiddig Liverpool ah ku guulaysan doono Abaalmarinta, mar walba abaalmarinahan waxa ku guulaysta xiddig Liverpool Ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here