Madaxweynaha KG Oo Sheegay in Ku dhawaad 7kun oo qoys ay ku Barakaceen Fatahaadda Gobalka Shabeellada Hoose.

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka KG Abdacasiis Hasaan Mamamed Laftagareen ayaa Waxaa Uu Sheegay In Magaalada Afgooye Ay Dhibaata Bani,aadanimo ay kajirto oo laxariiirta Fatahaada Wabiga Shabeele,ayna Ku Barakaceen inka badan 7kun oo qoys Guryahooda Biya galeen kuwaasi ay Heysato Xaalado adag Dhanka Nolosha ah Sida Hoy La,aan Cuno La,aan iyo Cabsi Laga qabo In Deeganada Uu Ku Fatahay inay Ka dilaaacan Cudurada Ka dhasha Wasaqa iyo Nadaafadarada

Madaxweyne Abdacasiis Lafatagareen ayaa Bulshada Somaliyeed ugu baaqay inay Gurmadka Samata bixinta Dadka dhibaatada ka soo gaartay Afgooye Laga qeyb qaato Isagoo Ka Dowlad ahaan Balan qaaday inay wax ka qaban doonan.

Warkan waxaa inoo haya Abdikadir Mohamed Nor Warcade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here