Inter Milan oo ogolaatay inay iska iibiso bar-tilmaameedka Kooxda Manchester City

0
290

Baydhabo(Radio Arlaadi)- War sidaha “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Inter Milan ay ogolaatay iibinta daafaceeda reer Slovakia ee Milan Škriniar inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Milan Škriniar oo 25 jir ah ayaa la la xiriirinayay inuu ka tagayo safka kooxda Inter Milan suuqan xagaaga, iyadoo ay wararku sheegayaan inuu xiiso ka helayo naadiga Manchester City.

Manchester City oo xilli ciyaareedkan dhibaato ka heysatay dhanka daafaca ayaa xiiseeneysa inay iska xoojiso, laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, maadaama ay ku guuldareysatay inay difaacato Premier League sanadkan.

Inter Deem Man City & Real Madrid Linked Milan Skriniar As Not For ...

Haddaba wargeyska “CalcioMercato” ayaa tilmaamay in maamulka Inter ay ogolaadeen inay  xagaagan ku iibiyaan daafacooda Milan Škriniar marka ay ugu yartahay qiimo dhan 55 million euros.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in saraakiisha kooxda Man City ay si dhaqsi ah ugu dhaqaaqi doonaan si ay u soo afjaraan heshiiska daafaca reer Slovakia ee Milan Škriniar, si uu u noqdo heshiiskii ugu horeeyay ee City ka sameyso suuqan xagaaga.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Milan Škrinia ku joogo kooxda Inter Milan uu dhacayo xagaaga 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here