Ingiriiska oo Japan ka dalbaday in uu ka caawiyo adeegga 5G

0
261

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Ingiriiska ayaa Japan ka codsatay in ay gacan ka geysato dhismaha adeegga 5G ee UK iyadoo meesha laga saarayo sirkadda shiineyska ah ee Huawei, sida ay sheegtay Nikkie.

Tani ayaa noqoneysa tallaabo kale oo dheeraad ah oo sii adkeneysa dagaalka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Mareykanka, maadaama Mareykanku uu Huawei ku eedeynayo in Shiinuhu u adeeegsan karo shaqo basaasnimo ah.
Ingiriiska ayaa u magacaabay shirkadaha NEC Corp iyo Fujitsu Ltd in ay bedel rasmi ah u noqdaaan Huawei sida ay qortay Business Daily iyadoo aan soo xigan ilo wareed rasmi ah.

Sarakiisha Ingiriiska ayaa la kulmay khamiistii dhiggooda Tokyo xilli UK ay Huawei amar ku siisay in ay qalabkeeda 5G la baxdo ilaa 2027, sida ay sheegtay Nikkie.

Iyadoo UK ay isku diyaarineyso ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa Ra’iisal wasaare Johnson wajahayaa cadadis ka dhan ah Huawei waxaana hortaallay in uu kala xusho Washington iyo Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here