WHO oo Sheegtay in Xanuunka COVID19 uu Maalin Walba Haleelo Rubuc Milyan Qof

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)–Hay’adda Caaftimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tirada dadka ku nool dunida ee uu sida maalinlaha ah u soo ridanayo xanuunka COVID19 ay ka badantahay rubuc malyuun qof.

Hay’adda ayaa sheegtay in kiisaska cusub ee la diiwangeliyo maalintii ay cagacageyneyso 260.000 oo kiis sidoo kalena ay sare u kaceen xaaladaha geerida ee uu xanuunku keeno.

Dalalka ay sida xowliga ugu sii badanayaan bukaannada qaba xanuunka waxaa ka mid ah Mareykanka, Baraasiil, Hindiya iyo Koofur Afrika.

Dadka qaba xanuunka COVID19 ee ku nool dunida ayaa Jimcihii la soo dhaafay kor u dhaaftay 14 milyan oo qof halka dadka u geeriyoodayna lagu qiyaasayo 600.000 oo qof.

Hindiya ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta dadka uu xanuunku soo ridanayo waxaana ka horreeya Mareykanka iyo Baraasiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here