Gabadh 12 sano jir ah oo ay laba nin guursadeen muddo bil gudeheed ah

0
309

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Saraakiil ka tirsan booliska kenya iyo dad u ololeeya xaquuqda caruurta ayaa soo badbaadiyay gabadh 12 sano jir ah kaddib markii muddo bil gudeheed ah ay guursadeen laba nin.

Gabadha aabeheed oo ku sugan Ismaamulka Narok oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Nairobi ayaa ku qasbay gabadha iney guursato nin 51 sanno jir ah, iyadoo ka soo carartay kaddibna waxay guursatay nin 35 sanno jir ah ka hor inta aan la soo badbaadinin.

Dalka Kenya waxaa ka mamnuc ah in qof da’diisu ka yartahay 18 sanno jir la guursado.

Kaputah  oo ka tirsan ururka Nabadda ee Ismaamulka Narok ayaa sheegay guurka deg-dega ah ay kaalin weyn ka cayaareen saboolnimada iyo iskuulada loo xiray fayraska corona awgii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here