Jilaaga caanka ah ee Cali Dheere oo isbitaal loo dhigay fayraska korona

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Amitabh Bachchan, oo Soomaalida aflaanta Hindiga daawata ay u yaqaanaan Cali Dheere ayaa laga helay Fayraska Korona sida uu ku sheegay bartiisa Twitter-ka ee ay malaayiinta qof ku taxan yihiin.

“Waxaa la iga helay Covid-19, isbitaal ayaan ku jiraa. Qoyskeyga iyo shaqaalaha ayaa baaritaan lagu sameeyay, natiijadooda ayaana la sugayaa,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.
Wiilkiisa Abhishek, oo isna jilaa ah, ayaa markii dambe sheegay in qudhiisa laga helay cudurka.

Bachchan oo 77 jir ah ayaa ka qeyb qaatay 200 oo filim tan iyo markii uu jilaaga noqday 50 sanadood ka hor.
Labaduba waxa ay hadda jiifaan isbitalka Nanavati ee magaalada Mumbai, waxaana uu wiilka sheegay in xaaladoodu ay sahlan tahay. Mid kamid ah

mas’uuliyiinta isbitaalkaasi ayaa u sheegay wargeyska Indian Express in xaaladda caafimaad ee jilaayaasha ay degan tahay.
Amitabh Bachchan ayaa ugu baaqay dhammaan dadkii la kulmay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay inay iska baaraan Fayraska.
Kumannaan qof ayaa qoraallo duco iyo dhiiragelin ah u diray xidigahaasi caanka ah Bollywood.

“Cali Dheere” ayaa kusoo caanbaxay aflaam ay kamid yihiin Zanjeer iyo Sholay. Waxa uu ku guulaystay abaalmarinno badan oo ay kamid tahay tan ugu saraysa ee Faransiiska uu siiyo qof rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here