Qudaar yari Oo ka jirta Suuqyada Degmada Xudur ee Gobalka Bakool.

0
368

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Degmada Xudur ee xarunta gobolka bakool malahan beero ka soo go`aan qudaarta markii laga reebo kuwa yar yar ee laga keeno xaafad kamid ah degmada xudur ee lagu magacaabo xaafada buulow sidaasina ay tahay kuma filna shacabka ku nool degmada xudur.

Inta badan qudaarta iyo bagaashka ii lagu iibiyo degmada xudur waxey ka soo galaan degmada beledweyne ee gobolka hiraan,bishiiba maalmo kooban iyo kuwo lasoo saaro diyaaradaha oo ay ku ibanayaan qiimo aad u sareya.

Warkan waxaa inoo haya Sayid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here