Ardeyda Fasalka 8-aad ee Magaalada Baydhabo oo Maanta u Fadhiisatay Imtixaanka Dowladda.

0
362

Baydhabo(Radio Arlaadi)-6,220 ardey ayaa maanta koonfur galbeed u fariisatay imtixaanka dowlada ee fasalka 8 aad ee dugsiyada dhaxe,14 degmo oo koonfur galbeed ahna wuu ka furmay, Baydhabo waxaa Wasaarada waxbarashada u qorsheysey in lagu qaado 8 xarumood.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna gudoomiyaha Barlamaanka Dr, Cali Sacid Fiqi oo ay wehelinayeen wasiirka waxbarashada,ku xigeenkiisa, Agaasimaha guud ee Wasaarada iyo mas,uuliyiin kale ayaa booqdey goobaha qaar ee Magaalada Baydhabo oo imtixaanaadka lagu qaadayo.

Warkan waxaa inoo haysa Raxma Salaad Abdullahi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here