Ghana oo la Daalaa-dhacaysa Tirada Dadka uu soo Ridanayo Xanuunka COVID19

0
352

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa sare u sii kacaysa tirada dadka qaba xanuunka COVID19 ee dalka Ghana oo haatan cagacageyneyso 22,000 oo qof iyada oo ay sii badanayaan xaaladaha xanuunka ee sida maalinlaha ah loo diiwaan geliyo.

24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa dalkaasi laga diiwaangeliyay 891 bukaan oo uu xanuunku soo ritay.

Warbaahinta maxalliga Ghana ayaa sheegtay in wadarta baaritaannada caafimaad ee xanuunka COVID 19 ee dalkaasi laga sameeyay ay gaareyso 315,000 oo qof.

Diiwaannada dowladda ayaa xusay in dad tiradoodu gaareyso 17,156 qof ay ka bogsadeen xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here