Nin koomo ka soo kacay oo luuqad uu ku hadlay ku helay shaqo.

0
308

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ben McMahon wuxuu dhaawac halis ah kasoo gaaray madaxa kaddib markii uu galay shil gaari. Laakiin markii uu soo kacay waxaa lagu arkay xaalad dad badan ka yaabisay.

Dhakhaatiirta markii hore ma aysan hubin inuu waligiis kasoo kici doono koomada uu ku jiray, laakiin dhowr maalmood kaddib miyirkiisii wuu soo laabtay.

Waliba wuxuu awood u yeeshay inuu hadlo, balse uma uusan hadlin sidii uu qof walba filayay.

Ninkan, oo kasoo jeeda magaalada Melbourne ee dalka Australia, wuxuu koomada kasoo kacay isagoo ku hadlaya luuqadda Mandarin, oo looga hadlo Shiinaha iyo Taiwan.

Arrintaas waxay u horseedday inuu shaqo qeyrul caadi ah ka helo telefishin laga leeyahay Shiinaha oo sameeya filimada ku saabsan nolosha dhabta ah.

“Mid ka mid ah fasallada iskuulka ayaan ku bartay hadallo kooban oo luuqadda Shiinaha ah – sida ‘haye, magaceygu waa hebel – iyo waxyaabo la mid ah.”

Balse markii uu koomada kasoo kacay wuxuu luqaddaas u yaqaannay sidii afkiisa hooyo oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here