Hordhac: Man City vs Liverpool

0
385

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Liverpool ayaa markii ugu horreysay kaddib mudo 10,650 maalmood ah ciyaaraysa iyagoo ah hormuudka England waxaana ay caawa kooxda Manchester City ku booqan doonaan gegida Etihad Stadium.

Kulanka ay caawa Liverpool ciyaarayso iyadoo ah kooxda horyaalka kusoo guuleystay ayaa ah mid ay booqanayso kooxda uu xifaaltanka ugu badani kala soo dhaxeeyay sanadahan ee Man City xilli ay xiddigaha Pep Guardiola saf-sharafeed ku maamuusi doonaan Reds.

6-dii May ee 1991 ayay ahayd markii ugu dambaysay ee ay Liverpool kulan ciyaartay iyadoo ah kooxda difaacanaysa horyaalka ugu sarreeyay England.

Liverpool ayay ku qaadatay mudo 30 sano iyo maalmo ah inay dib ugu guuleysato horyaalka waxaana intaas u dheeraa saddex bilood oo hagardaamo iyo walaac weyn ah oo uu kubadda cagta hakiyay xanuunka Korona kaas oo cabsi ah in horyaalka la kansalo ku abuuray.

Haddiiba uu horyaalku u qalmay in saddexdaas bilood la sugi iyo haddii kaleba, ciidanka Jurgen Klopp ee 2019-20 ayaa ugu dambayn khamiistii dambe xaqiiqsaday inay horyaalka hanteen.

Kooxdii Manchester City ee 2017-18 ee boqolka dhibcood ku qaaday horyaalka oo xisaab ahaan kooxda ugu fiicnayd taariikhda horyaalka ah ayaa wakhtigan oo kale shan dhibcood ka dambaysay halka ay Liverpool imika marayso taas oo fursad weyn u siinaysa Reds inay rekoodhka dhibcahaas jabiyaan.

Qaab Ciyaareedka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Manchester City ayaa lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka ka ciyaartay laba jeer laga soo guuleystay halka ay afarta kale guulo gaadheen dhinaca kale Liverpool ayaa lixdeedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka haysata afar guulood, hal guuldarro iyo hal bar-bardhac.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Guardiola ayaa dhawaan sheegay inuu koobabka kale xooga saarayo, kulankii FA Cup ee Newcastle United ayay kusoo bilawdeen De Bruyne, Sterling, Mahrez, Laporte, Silva, Jesus iyo kuwo kale taas oo ka dhigan inuu kulankan nasin karo qaarkood.

Daafaca ree Spain ee Eric Garcia ayuu wali shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kaddib dhaawac madaxa ka gaadhay halka uu Liverpool inta xilli ciyaareedka ka hadhsan ka maqnaan doono Joel Matip oo dhaawac cagta ah kaga baxay kulankii Everton.

James Milner oo sidoo kale dhaawac muruqa ahi gaadhay kulankii Everton ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa balse waxa tababarka kusoo laabtay Xherdan Shaqiri.

Mohamed Salah ayaa dhammaan xilli ciyaareedkan laba gool kusoo dhaliyay kulamada ay martida tahay Liverpool balse waxa wacdarro soo dhigay Firmino oo lix gool kusoo dhaliyay toddoba kulan oo ay Reds kooxaha sarre wajaheen.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulanka

Man City: Ederson; Walker, Otamendi, Laporte, Mendy; De Bruyne, Rodri, Foden; Bernardo, Jesus, Sterling

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

XOGTA KOOBAN EE KULANKA

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Kulanka: Man City vs Liverpool

Wakhtiga: 10:15 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here