Man United oo guul ay u qalantay ka soo gaartay Brighton

0
346

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester United ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Brighton oo ay ku booqatay garoonkeeda The American Express Community, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-2 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 16-aad Manchester United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Mason Greenwood, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Aaron Wan-Bissaka.

29 daqiiqo markii ay ciyaarta aheyd Bruno Fernandes ayaa dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester United, iyadoo uu caawinta goolkan lahaa Paul Pogba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Manchester United ayaa sii dheereysatay hogaaminta dheesha, iyadoo Bruno Fernandes uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Mason Greenwood.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay  Manchester United kooxda Brighton & Hove Albion oo ay marti ugu aheyd garoonka The American Express Community.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here