Real Madrid oo guul ka soo heshay kooxda Espanyol

0
355

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Real Madrid ayaa guul ka soo heshay kooxda Espanyol oo ay ku booqatay garoonka RCDE Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil Casemiro, kaddib markii uu  goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay Real Madrid kaga soo adkaatay Espanyol oo ay ku booqatay garoonka RCDE Stadium, Los Blancos ayaana haatan hogaanka La Liga kaga qabatay kooxda ku soo xigta ee Barcelona 2 dhibcood nadiif ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here