Koronkor Ayax ah oo ku Habsaday Duleedka Delhi

0
351

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Qeybo ka mid ah magaalada Delhi ee caasimadda dalka Hindiya ayaa la geliyay heegan kaddib markii ayax koronkor ah uu dul degay deegaanno dhaca duleedka magaaladaas.

Deegaanka Gurgoan ayaa lagu soo warramayaa in ay tahay markii ugu horreysay ee lagu arko ayax xaddigiisu intan la egyahay.

Baraha xariirka bulshada ayaa lagu arkayay sawirro iyo muuqaallo muujinaya tobannaan kun oo ayax ah oo dhismayaasha waaweyn ku dul habsaday deedna ku sii siqaya guryaha ay dadweynuhu deggenyahiin.

Ayaxan oo la sheegay in uu ka hayaamay Bariga Afrika ayaa ah ayaxii ugu badnaa ee ku habsada Hindiya muddo tobannaan sano ah, kaasoo durbaba baabi’yay dalagga gobollo dhowr ah.

Waasaarada Bey’ada ayaa haatan ku howlan sidii ay loola dagaallami lahaa ayaxan iyada oo dadweynaha ka codsatay in ay qeyliyaan sidoo kalena saxamada iyo malgacadaha isku garacaan si loo baqdin geliyo ayaxa oo uu uga cararo deegaanka.

Wasaaradda beeraha ee dalkaas ayaa sheegtay in sida muuqata ayaxani ku wajahanyahay dhulka beeraleyda ah ee koofurta Delhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here