Mareykanka oo Wajahaya Halis Horleh Feyraska Korona Awgii

0
330

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Masuuliyiinta caafimaadka dalka Mareykanka ayaa sii wada qeylo dhaan ku aaddan in dalka Mareykanka uu wajahayo halis ku lammaan xanuunka COVID19.

Antonio Fuchi madaxa hay’adda cudurrada faafa ee Mareykanka ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu xakamayn karaa xanuunkani yahay in si siman loola dagaallamo.

Khubarada caafimaadka ayaa ku baaqday in dowladdu ay qaaddo tallaabooyin dheeri ah oo hoos loogu dhigayo faafitaanka xanuunka.

Mareykanka ayaa maalintii jimcaha ahayd oo qudha diiwaan geliyay 40.000 oo qof oo uu xanuunku ku cusubyahay tiradaasi oo ahayd tii ugu badnayd ee hal maalin laga diiwaangeliyo dalkaas.

2.4 milyan oo qof ayaa haatan la jiifta xanuunka COVID19 ee dalka Mareykanka halka 125.000 oo qofina luxudka la dhigay.

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalkaas ayaa ka cabsi qaba in tirada dhabta ah ee uu saameeyay xanuunka ay toban laab ka badantahay midda la diiwaangeliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here