Ninka adduunka ugu da’da weyn’ oo ka bogsaday cudurka karoona feyris.

0
378

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Nin u dhashay dalka Itoobiya, oo la sheegay inay da’diisu ka sarreyso 100 sano, ayaa ka caafimaaday cudurka dilaaga ah ee Covid-19, arrintaasoo uu “wax cajiib ah” ku tilmaamay mid ka mid ah dhakhaatiirtiisa oo la hadlay BBC-da.

Aba Tilahun Woldemichael qoyskiisa waxay sheegeen inay da’diisa tahay 114 sano, taasoo ka dhigeysa ninka adduunka ugu da’da weyn, laakiin ma jirto warqad dhalasho oo caddeyneysa arrintaas.

Odaygan indhaha caalamka soo jiitay waxaa hadda gurigiisa ku xannaaneynaya wiil uu awoowe u yahay.

Aba Tilahun waxaa cudurka laga helay mar baaritaan guud lagu sameynayay xaafadda uu daggan yahay, oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa, waxaana isbitaalka la dhigay ka hor inta aysan caalamadaha kasoo muuqanin, sida uu BBC-da u sheegay Dr Hiluf Abate

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here