Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo ka digtay in cudurka Covid-19 ku soo laba kaclayn karo Yurub.

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)- -Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay korodhay tirada todobaadlaha ah ee dadka uu ku dhacayo cudurka Covid-19 ee qaaradda Yurub.

Kow iyo toban meelood oo ay ku jiraan Armenia, Sweden, Maldova iyo Woqooyiga Macedonia oo uu kordhay fiditaanka cudurku ayaa keentay in “uu aad u laba kacleeyo” cudurku, sida uu sheegay agaasime-goboleedka WHO Dr Hans Henri Kluge.

Wuxuu sheegay in digniintiisu tahay mid uu kaga dardaarwerinayo in laba kaclaynta cudurku noqon karto halis xaqiiqo ah.

Waxaanu intaa ku daray in hadii aan arinta laga hortagin adeegyada caafimaadka ee dalalkaa uu ka tan badan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here