Hordhac: Southampton Vs Arsenal

0
381

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Southampton Kulan ka dhici doona garoonka St. Mary’s Stadium kana tirsan todobaadkii 31-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku jira wakhti adag kadib laba guuldaro oo xidhiidh ah oo soo gaadhay laabdii kulan ee ay ciyaartay premier League.

Kooxda Mikel Arteta ayay ka go’antahay in ay ku soo laabtaan wadada guulaha guulna ka gaadhaan kooxda Southampton si ay dib ugu soo nooleeyaan Rajadooda kaalmaha tartamada yurub.

Dhanka kale Southampton ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo wakhti fiican ku jira kadib markii ay guul qurux badan gaadheen kulankii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen Premier League.

Kulanka: Southampton Vs Arsenal

Tartanka: Premier Legaue

Wakhtiga: 8:00 Fiidnimo

Garoonka: St. Mary’s Stadium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here