Laamaha Caafimaadka Ingiriiska oo ka Digay Mowjado Horleh oo COVID19 ah

0
439

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Saraakiisha caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa codasaday in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo sida dalka Ingiriisku ugu diyaar yahay ka hortagga mowjad labaad oo xanuunka Korona ah oo dalkaasi ku dhufata.

Warqad furan oo lagu faafiyay wargeyska caafimaadka dalka Ingiriiska ayay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka dalkaasi ka digeen in loo howlgalo sidii loo baajin lahaa geerida dad badan oo soo fool leh.

Hadalka hay’adaha caadfimaadka Ingiriiska ayaa yimi kaddib markii Ra’iisul wasaaraha dalkaas uu sheegay in isbedel lagu samayn doono tallaabooyinka xayiraadaha ee dalka Ingiriiska.

Talaadadii ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha ku dhawaaqay in dib loo furo makhayaadaha, goobaha khamriga lagu cabbo, shineemooyinka iyo Ra’iislayaasha bilowga bisha ina soo aaddan.

Hay’adaha caafimaadka ayaa baaq dheer xukuumadda ugu sheegay in ay qiimayn buuxda ku samayso diyaar garow loo galo mowjado horleh oo ah xanuunka COVID19 oo dalkaasi ku dhufta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here