Bukaannada Qaba Xanuunka COVID19 ee Dalka Baraasiil oo Milyan Kor u Dhaaftay

0
270

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dalka Baraasiil ayaa noqday dalka kaalinta labaad kaga jira diiwaan gelinta bukaannada qaba feyraska COVID19 oo hal milyan kor u dhaaftay.

Tirada dadka qaba xanuunka COVID19 ee dalka Baraasiil ayaa la aaminsanyahay in ay ka badantahay inta la diiwaan geliyay adeegga baaritaanka oo aan heerkii la rabay gaarsiisnayn awgeed.

Mareykanka ayaa kaalinta kowaad kaga jira dhanka bukaannada qaba xanuunka Korona halka kaalinta labaadna ay ku jirto Baraasiil.

Wasaaradda caafimaadka Baraasiil ayaa xaqiijisay in ay diiwaan gelisay 1,032,913 xaaladood.

Madaxweynaha dalkaas, Jair Bolsonaro ayaa la kulmaya dhaleecayn aad u badan, taas oo ku aaddan sida uu u maareeyay in dalka uu ka badbaadiyo xanuunka.

Bolsonaro oo hadda ka hor ka hadlay xanuunkan dunida ku soo kordhay ayaa gabi ahaanba dafiray jiritaankiisa isaga oo ku tilmaamay in uu yahay hargab fudud, waxaa intaa sii dheereyd in madaxweynuhu kasoo horjeedsaday bandow lagu soo rogo dalka isaga oo ku andacoonayo in laga dhaxli doono burbur dhaqaale ,macaluul iyo shaqo la’aan.

Baraasiil ayaa haatan hoggaanka u haysa dalalka laatiin Ameerika ee uu ku faafay xanuunkan faraha laga qaadka ah ee Korona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here