Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester United oo barbaro ku kala baxay

0
433

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester United ayaa dhibca qeyb saday kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah, kaddib markii ay fooda isku dareen kulankooda ugu horeeyay tan iyo markii laga soo laabtay caabuqa COVID-19.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 27-aad Tottenham Hotspur ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Steven Bergwijn, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Serge Aurier.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 81-aad Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay bar-bardhac 1-1 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay bar-bardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Tottenham Hotspur iyo Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here