Dawlada Kenya oo dib u furaysa goobaha ganacsiga iyo xuduudaheeda

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay dib u furi doonto goobaha ganacsiga ee dalkaasi oo mudo ahaa kuwo xidhan.

Goobaha laga kalluumeysto iyo goobaha kale ee ganasiyada caadiga ah lagu iibiyo ayay sheegtay dawladu in ay dib u furi doonto.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay isku furi doonto soohdinta ay la wadaagto Kenya wadamada dariska la ah oo iyaguna ka mid ahaa meelaha ay dawlada Kenya horay u saartay xaaladda bandowga ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dalka Kenya laga helay kiisas la xiriira cudurka dilaaga safmareenka ah ee COVID-19, balse hadda ay sheegtay in uu usii muuqanayo mid sii yaraanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here