Dowladda Soomaaliya oo dib u dhigtay furitaanka duullimaadyada gudaha

0
353

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xukuumadda Federaalka ah ayaa maanta shaacisay in markale dib loo dhigay furintaanka duullimaadyada gudaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in dowladdu go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duullimaadyadii gudaha iyo Dibadda.

Wasiirka ayaa ku micneeyay in cabsi weyn laga qabo in feyraska Korona uu Soomaaliya ku soo laba kacleeyo.

“Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel ilaa hadda uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Omaar.

Duullimaadyada gudaha dalka ayaa horay loogu asteeyay in la fasaxo 8-dii bishan hadda aan ku jirno ee Juun, balse dowladda ayaa maanta markale dib u dhigtay iyadoo laga cabsi qabo halista COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here