Lionel Messi Oo Rikoodh Ka Dhigay Horyaalka La Liga.

0
310

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dilay kulankii Leganes daqiiqadii 68-aad kadib markii uu gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga reer Argentine ayaa khaladka lagu galay xilli uu ku jirin dilinta ganaaxa waxana sidaas loogu dhigay rikoodhe muhiim ah.

Rikoodhadaas ayaa ahaa midkii 56-aad ee uu Lionel Messi ka dhaluyo Horyaalka La Liga taas oo kala mid dhigaysa Halyeeyga Real Madrid iyo Atletico Madrid ee Hugo Sanchez.

Messi ayaa haatan 5 rikoodhe ka dambeeya xiddiga ugu rikoodhayaasha badan taariikhda Horyaalka La Liga ee Cristiano Ronaldo.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa khasaariyay 12 rikoodhe oo La Liga ah halka uu Cristiano Ronaldo khasaariyay 11 rikoodhe ka hor itii uuna ku biirin Juventus sanadkii 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here