8-da Kooxood Ee Isugu Soo Hadhay Europa League & Sida Ay U Wada Ciyaari Doonaan.

0
299

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxa xalay la soo af-Meeray wareega 16-ka ee tartanka Europa League iyada oo ay 8 kooxood isugu soo hadheen tartanka ilaa haatan.

Sida ay kooxaha 8-da ah ee ku soo hadhay tartanka sida ay iskula ciyaarayaan ayaa haatanba la sii ogyahay iyada oo Kulamada la kala ciyaari doono Isniinta iyo Salaasada.

Labada kulan ee ugu adag ayaa ah kulanka ay Inter Milan la ciyaari doonto kooxda Leverkusen iyo kulanka dhexmari doona kooxaha Wolves iyo Sevilla.

Kooxda Man United ayaa iyadu la ciyaari doonta Kooxda Copenhagen halka shakhtra iyo Basel wada ciyaari doonaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida ay u wada ciyaari doonaan iyo wakhtiga ay ciyaari doonaan:

Isniinta 10:00 Habeenimo

Inter Milan Vs Leverkusen

Man United Vs Copenhagen

Salaasada: 10:00

Shakhtar Vs Basel

Wolves Vs Sevilla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here