58 qof oo ku dhintay dab qabsaday Isbitaal lagu dabiibo bukaannada COVID-19.

0
246

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ugu yaraan 58 qof ayaa ku geeriyooday dab ka kacay qeybta daryeelka degdegga ah ee bukaanadda xanuunka COVID-19 ee Isbitalka Ibn al-Khatib ee duleedka magaaladda Baghdad, sida ay walaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo ammaanka dalka Iraq.

Dabkan ayaa ka kacay cidla ka dhalatay aalada lagu keydiyo oksijiinka, waxaana muuqallo laga soo duubay ay mujinayeen shaqaalaha dambdamiska oo ku dadaalayay inay damiyaan ololka Isbitaalkan, iyadoo bukaanada iyo ehelkooduba ka cararayeen dhismaha isbitaalka.

Waxaa sidoo kale dabkan ku dhaawacmay in ka badan 30 qof oo ka tirsanaa bukaanadii xanuunka COVID-19 ee lagu dabiibayay Isbitaalkaas.

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay inay soo bad-baadiyeen 90 qof oo ka mid ah 120 bukaan iyo eheladooda, kuwas oo qeybta gargaarka deg-degta ah ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here