24 ruux oo ku dhintay daadad ku dhuftay gobolka Kerala ee dalka Hindiya

0
243

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhimatay fatahaado ku dhuftay koonfurta Dalka Hindiya, kadib markii roobab mahiigaan ah ay sababeen in wabiyadu ay buux -dhaafaan, isla markaana ay kala jaraan isu socodkii magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.

Shan carruur ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ay intaas ka sii badato maadaama la’yahay. dad badan.

Dad badan ayaa ku xayiran degmooyinka Kottayam iyo Idukki ee gobolka Kerala,waxaana jira Dhowr guri oo ay la tageen daadadka.

Ciidamada Mileteriga Hindiya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa wada howlgal lagu daadgureynayo dadka,waxaana la sameeyay boqol xero oo kuwa gargaarka ah,sida uu sheegay madaxa Kerala Pinarayi Vijayan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here