101 sano jir u dhashay Mareykanka oo ka qalin jabiyay dugsi sare.

0
395

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Merrill Pittman Cooper oo da’diisu tahay 101 sano ayaa ka qalin jebiyey dugsigiisi sare oo ay ugu dambaysay muddo haatan laga joogo 80 sano.

Cooper ayaa 1934 kii ku biiray dugsiga Storer College oo ku yaalla Galbeedka gobolka Virginia ee dalka Maraykanka. Balse isagoo aan dhammaysan ayuu sannadkii 1934 ka guuray halkii ay ku noolaayeen isagoo intaa ka dibna iska noqday nin muruq maala.

Sannadkii 2018 kii oo markaas uu Cooper jiray 97 sano, ayuu qoyskiisa u sheegay in uu aad uga qoomamoonayo shahaado la’aanta haysata. Wuxuuna go’aansaday in uu ku biiro dugsigii uu ka tegay badhtamaha qarnigii hore. Waxaana uu dib ugu biiray dugsigiisi sare isagoo 19-kii bishanna ka qalin jebiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here