10-ka xiddig Ee Ugu Fiican Premier League Xili Ciyaareedkan Oo La Shaaciyay.

0
234

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo tartanka loogu jiro ku guulaysiga premier League dib u furmay iyada oo ay Man City iyo Liverpool isku baacsanayaan.

Kooxda chelsea oo ku jirta kaalinta 3-aad ayaa iyada u muuqata kuwo xaqiiqsaday booska 3-aad xilli ay kooxo kale ku tartamayaan booska champions League.

Kooxaha Arsenal, Man United, Tottenham iyo West Ham ayaa dhamaantood ku tartamaya kaalinta loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe

Shabakada WhoScored ayaa soo saaray Liiska 10-ka xiddig ee ilaa haatan ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee premier League waxana jira xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Arinta la yaabka leh aya ah in 9 ka mid ah 10-ka xiddig ee ugu fiican ay u ciyaaraan kooxaha Man City iyo liverpool iyada oo xiddiga kaliya ee ku jira ee aan u ciyaarin labadaas kooxood yahay xiddiga Tottenham ee Heung-Min Son.

1️⃣ Mo Salah
2️⃣ Trent Alexander-Arnold
3️⃣ Kevin De Bruyne
4️⃣ Joao Cancelo
5️⃣ Bernardo Silva
6️⃣ Sadio Mane
7️⃣ Rodri
8️⃣ Heung-Min Son
9️⃣ Phil Foden
🔟 Joel Matip

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here