Baydhowy (Raathiyow Arlaathy) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Ee Dugsiyada Dhexe oo ay u fadhiisteen arday gaareysa 41, 639. Iyadoona uu yahay sanadkii 6-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir si Madaxbanaan u qaadayo Imtixaanka.
Munaasabadda Furitaanka Imtixaanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, Saraakiisha qaabilsan Imtixaanaadka iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka G/Banaadir.
Warkung waliba nig haayte Rahmy Salaad Abdyllahi