Maamulka Premier League ayaa ku adkaysanaya in ay sii wadi doonaan horyaalka premier League xilli ciyaareedka iyaga oo diidan in la joojiyo inkasta oo uu xanuunka Korona ku sii badanay kooxaha ka qayb gala tartanka.
Waxa haatan soo badanaya kulamada la joojinayo sabab la xidhiidha xanuunka Korona iyada oo kooxaha premier league doonayaan in la joojiyo tartanka ilaa 26 Bishan haatan lagu jiro ee December.
Wargayska The Independent ayaa sheegaya in ay kooxaha premier League doonayaan in muddo todobaadyo ah la joojiyo horyaalka premier League si ay xiddigohoodu u soo kabsadaan.
Laakiin maamulka Premier League ayaa si cad u diiday in la joojiyo horyaalka iyaga oo ku adkaysanaya in uu xilli ciyaareedku sii socon doono oo aan la joojin doonin