Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxaa ka socda Kulan Diimeed dhawaan la daah-furey, oo Bulshada kala duwan ee Magaalada loogu samaynayo Wacyigelin ku saabsan dhanka Barashada iyo Horumarinta Diinteena Suuban ee Islaamka.
Munaasabadda Kulan Diimeedka oo si heersare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb-galaya Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Culimaa’udiin, Odayaal dhaqmeed, Macalamiin, dhalinyaro, Haween, Ardey iyo Marti sharaf
Warkung Waliba nig haaye Abdirahmaan Mahamed Ahmed
 
            