Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Warbixin ka soo baxday warbaahinta Spain ayaa sheegtay in xiddiga reer Brazil Vinícius Júnior uu si fool-ka-fool ah ula kulmay tababarihiisa Xabi Alonso, kaddib markii uu raalli-gelin ka bixiyay dhaqankiisii kulankii El Clásico ee dhawaan dhacay.
Vinícius ayaa muujiyay caro markii la beddelay kulankii ay Real Madrid 2-1 kaga badisay Barcelona, kaas oo ka tirsanaa wareegga 10-aad ee horyaalka La Liga.
Sida lagu sheegay warbixinta, Xabi Alonso ayaa xiddiga u sheegay intii ay kulanka yeesheen in cabashada ama tabashada ciyaartoygu ay ku habboon tahay in lagu muujiyo gudaha qolka labiska, balse aan lagu samaynin garoonka dhexdiisa ama warbaahinta, si looga ilaaliyo kooxda buuq iyo cadaadis aan loo baahnayn.
Tababaraha reer Spain ayaa muujiyay inuu aad ugu qanacsan yahay talaabada uu qaaday Vinícius iyo cafiskii uu dalbaday, isagoo tilmaamay inay tani ka tarjumeyso biseyl iyo diyaar garow buuxa oo uu xiddigu u leeyahay wejiga soo socda ee kooxda.
Vinícius ayaa horey raalli-gelin uga bixiyay dhaqankiisa, isagoo qoraal rasmi ah soo dhigay bartiisa Instagram-ka, kaas oo uu kaga cudur-daaranayo waxa dhacay.








