Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baraawe ku daahfurtay kulanka heer degmo ee wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Dowladda (SWSS–STP 2025–2030).
Kulankan oo qayb ka ah diyaarinta qorshaha horumarinta shanta sano ee soo socota ayaa lagu gorfeeyay arrimo la xiriira horumarinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada, amniga iyo qorsheynta magaalooyinka.
Waxaana siwadajir ah u furay Wasiirka Amniga Xasan Cabduqaadir Maxamed iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Nuur Cabdi (Fanah), waxaana qayb ka ahaa kulanka mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo degmo ah, iyo sidoo kale qeybaha bulshada sida dhalinyarada, haweenka iyo odayaasha dhaqanka.
Warkung Waliba nig haayte Marring Mallang Abshir









